
SHAACIYE 13-02
Hees
cusub oo la magac baxday "Sii daayaa lamaanaha"
Abwaan Soomaaliyeed oo degan
magaalada London magaciisana la yiraahdo Cabdi Shire Jaamac ‘’ Ciyaar Jecel’’
ayaa
mar kale waxa uu soo saarey Hees cusub oo uu kaga hadlaayo la haystayaasha
lamaanaha u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu haysto dalka Soomaaliya gaar ahaan
degaanka Xarar Dheere, islamarkaana tusaalayn ku waydiisanaayo afduubayaasha
haysta inay sii dayaan lamaanaha
( RELEASE THE COUPLE).
Abwaanka ayaa hore u curiyay heeso cusub uu ku cabiraayo dareenkiisa Soomaalinimo islamarkaana bulshada Soomaaliyeed kula qaybsanaayo marxaaladaha kale duwan ee jira, heesahaasna waxaa ka mid ahaa Yaan La Dooran, Hala Doorto, Qaylo Dhaan Waawareey. Heestaan Cusubna waa ‘’SII DAAYA LAMAANAHA’’,waxaan qadka Telefoonka kula hadlay Abwaanka oo markaas ku sugnaa aqalkiisa si aan wax uga ogaado heesta cusub iyo sababta ku dhalisay inuu soo saaro.
Maxaa kugu
dhaliyay sameynta heesta Sii daaya Lamaanaha?
Abwaan Cabdi Shire Jama (ciyaar jecel):Yusuf, ma hayo hal jawaaba oo kaliya
balse heeska laftiisa ayaad ka dhex heli karta sababta aan u curiyay, intaas
markaan ka gudbo, shaqooyinka meheradaha ii ah waxaa ka mid ah turjubaanimo oo
aan ku jiray ilaa 1991. Maxkamad dalkaan Ingiriiska ku taal oo aanan tagin ma
jirto. xataa tan house of lords oo hadda loo bedelay maxkamada sare/supreme
court, 1998 ayaan waxaan saddex casho kaga qeyb qaatay kayskii sameynta weyn ku
yeeshay sharciyada qaxootiga oo la yirahdo Aden iyo Nooh. Marka shaqadaas
turjubaanimada ah waxaan ka kasbaday waayo aragnimo dheer oo aan u yeeshay
bulshada Soomaaliyeed, dhibka iyaga loo geysto iyo midka ay iyada ka gasho dadka
iyo dalkaan aan magangalyada weydiisanay. Waxaan hayaa xoggo aad u foolxun oo
ay geysteen dad soomali ah oo ay dhici karto in caqliga saliimka ahi uu diido
uuna yiraado qof Sommali ahi kama suurtowdo in uu galo dambe ceynkaas ah. Balse
ogow dambiyada ugu xun- xun uguna foosha xun waxaa sameeya Soomaalida. Waxa
halkaan ka dhacaya marka aad ku kabtid kuwa Soomaaliya ka dhaca, hadde sow Cabdi
Shire oon gabyi jirin gar uma laha in uu muunso-muunsoodo ee uu gabyo.
Heestii Qaylo
dhaan maxaa iyadana kugu dhaliyay?
Abwaan Cabdi Shire : Heesteydii qeylodhaan sababihii igu dhaliyay waxay ahayd
anigoo TV Universal ka daawanaya gurigayga ayaa waxaan ka arkay gabar
Soomaaliyeed oo ka ooyaysa ardaydii iyo barayaashii Jaamacada Banaadir ee lagu
xasuuqay Qaraxii Hotel Shamow, intaan qolka galay ayaan damcay inaan anigana ku
ooyo oo baroorto laakinse baroortii iyo uur kutaaladii Qaraxii Hotel Shamow
waxaa ka dhashay heestaan Qaylo dhaan Waawareey.
Ma noo fasiri kartaa heesta Lamaanaha aad u qaaday kuna codsatey in la sii daayo? Yaase kugu dhiirigaliyay inaad soo curiso heesta Lamaanaha?
Abwaan Abdi Shire Jama :Heestaan lamaanaha iyada ayaa fasiraad isugu filan oo waxa igu dhaliyay waa waxaa ay ka hadleyso. balse dhowr nin baa igu dhiiri galiyay. Wxayna kale yihiin Cabdislaan Hareeri , Cabduladir Xaaji Masale iyo Fanaanka Soomaaliyeed ee Keynaan. Labada nin ee hore taleefoon ayaan si gooni gooni ah isug soo qaadnay baahida loo qabo in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaan Ingiriiska ay dowr lixaad leh ka qaataan sidii loo sii deyn lahaa lamaanaha.
Keynaan, isaga xiriir meynaan yeelan balse waxaan dhageystay mar laga wareysanayay burcad badeeda. Runtii wareysigaasi wax weyn buu ku kordhiyay maskaxdeyda gaar ahaan difaaca uu difaacyay in ay Soomaalidu xaq u leedahay in ay badeeda ka difaacato burcad badeeda waaweyn ee shisheeyaha. Markaas baan sameeyay qeybtaan ka midka ah heestaan Sii daaya Lamaanaha oo oraneysa: DOOMAHA SHISHEEYEE, DOOXATADA KU YIMIDEE, DALDALAAYA KHEYRAADKA, DADALAAYA XOOLAHA, SUNTA AY KU DAADSHAAN, BADEENA KU DAADSHAAN, WAA IN LALA DAGAALAA, KULIGEEN LA DIRIRNAA, DIFAAC QARANA WEEYAAN.
Maxa heestan Fanaanka Soomaaliyeed Keynaan ugu dhiibi waysay inuu qaado? Madaama uu arimaha Burcad Badeedka marar kale duwan kaga hadlay aragtidiisa wareysiyo lagala yeeshay
Abwaanka ayaa si geesinimo u leh u yiri ‘’ Haddi aan Keynaan aqoon lahaa isaga ayaan heesta u dhiibi lahaa maadaama uu gacan iga siiyay sameynteeda.
Heesta SII DAAYA LAMAANAHA yaa hada kuwada luuqaynayaa ?
Heestaan waxaa gacan ka geystay dad Soomaliyeed oo aad u tiro
badan. Sida Muusikada waxaa saaray Cabdixakim ciise Geedi, Laxanka waa Jooqle
Shire. Fanaaniina ku luuqeynaya waa:
1. Fu'aad Cumar Cabdi, 2.Maxamuud cumar Cabdi, 3.Jooqle Shire Jaamac, 4. Xuseen
Shire Jaamac, 5. Shamso Maxamed Food, 6. Jihaan siyaad(jihaan Jalaqsan) iyo
7.Khalid Diini Shire.waxaa kale ee gacan a geystay Maamulka universal tv, gaar
ahaan inj. Axmed iyo Abuukar Mahdi.
Heesta ‘’ SII DAAYA LAMAANAHA’’
DAGAALKII SOKEEYAHA,
DIBINDAABYADIISIYO
WALI DIIFTII MAY HARIN
DADKII WEY QAXEENOO
QAARBAA DAGAAGII
DIYAARADA RAACOO
CARRO GAALO SII DAGAY
DIIR NOOMA EEGINE
AADANIMO DARAADEED
BEY NOO DARYEELEEN
DIB U BILOWNAY NOLOSHII
DIINTEENA MUDAN IYO
DUGSIYADA QURAANKANA
CIDU NOOMA DIIDOO
WAA LOO DAREERAA
DAMEERKAAN AXSAAN FALIN
KALA GARAN DARIIQYADA
DAW WUXUU U LEEYAHAY
UMUSHAA DORAAD IYO
SHALAY DAMAQII SOO MARAY
DEG DEG UGU ILOWDEE
SIDEEBAAN DADKAAS WACAN
DAARAHOOD U DUMINAA
DARISKOOD U DIIDNAA
DOOFAAR UGU NIRAAHNAA
OGOW DULUCDA HEESTAAN
WAXAAN UGA DAN LEEYAHAY
DOOMAHA SHISHEEYEE
DOOXATADA KU YIMIDEE
KALLUUN KEEN DANGIIGIYO
DALDALAAYA XOOLAHA
SUNTA AY KU DAADSHAAN
BADEENA AY KU DAADSHAAN
WAA IN LALA DAGAALAA
KULIGEEN LA DIRINAA
DIFAAC QARANA WEEYAAN
WAXA NAGA DARDAARANA
DAMBI RUUXAAN KAA GALIN
OO DALXIIS KU JIRA OO
DAWAAFAAYA BADAHAAS
DAMAC INAANU KAA GELIN
RABAA DEEQA BIXIYOO
IDIIN DOOJINAAYEE
AAN IDIIN DUCEYNEE
SII DAAYA LAMAANAHA
RACHAEL IYO DUQEEDABA
PAUL IYO DUQDIISABA
ABAAL DURUGSAN BAA JIRA
DADKOODA AAN U HEYNEE
SII DAAYA LAMAANAHA
AAN IDIIN DUCEYNEE
Dhamaad
NB:
Waxaan umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogtaba gudaha iyo dibadaba laga codsanayaa inay gacan ka gaystaan sidii lamaanahan looga sii dayn lahaa dadka gacanta ku haysto madaama ay yihiin dad masaakiin ah oo socoto ah oo waxba galabsan, hadii aan ku doodi jirnay inay wiilasha Soomaaliyeed yihiin kuwo daafacaya baddaha Soomaaliyeed ee lagu hayo dhaca xaalufinta kaluunka iyo Khayraadka islamarkaana lagu shubo Qashinka sunta, waxay ahayd mid sax ah laakinse dad socoto ah oo aan dambi kaa galin in la qafaasho waxay hoos u dhigaysaa ku doodistii ay dadka Soomaaliyeed ku doodayeen inaysan ahayn burcad baddeed wiilasha daafacaya badda Soomaaliya, marka waa waajib inaan kuligeen u gurmano sidii lagu sii dayn lahaa dadkaas dhiban islamarkaana loogu qancin lahaa hada kadib inay kale saaraan dadka caadiga ah iyo kooxaha dooxatada ah ee badda Soomaaliya dhibaatada ku haya
W/D:YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
London
Kala Xiriir Xafiiska Shaaciye ee Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com, ama webmaster@shaaciye.comtt
tApple iPhone 3G 8 GB Black
iPhones unike egenskaper sammen med best mobildekning, gir deg maksimalt med surfeglede og mange nye mobilopplevelser!
Apple iPhone 32 GB Black 3GS
Nyhet! iPhone 3GS, tidenes raskeste og kraftigste iPhone
kombinert med best mobildekning, gir deg maksimal surfeglede og mange nye
mobilopplevelser. Pga stor etterspørsel kan det
ta noe tid før du får din iPhone levert dersom vare ikke er bekreftet på lager.
Forventet leveransetid er i de tilfeller to til fire uker fra bestillingsdato.
Please provide two to three detailed paragraphs below, explaining why your
nominee should appear in Muslim Girl Magazine. Highlights should include
background, interests, hobbies and accomplishments PLUS why your nominee stands
out and how she is making a contribution.
