Home » WARARKA MAANTA » 11 Ruux oo ku geeriyootay Degmada Ceeldheer ee Gobaka Galgaduud

11 Ruux oo ku geeriyootay Degmada Ceeldheer ee Gobaka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi 11 Ruux ay ugu geeriyoodeen cudurka Shuban-biyoodka tiro intaasi ka badanna uu soo ritay.

Dadkaan ayaa badankood ku geeriyooday Isbitaalka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale deegaanada hoos yimaada degmada Ceeldheer ayaa lagu soo waramaya in si weyn uu cudurkaasi uga dilaacay waxaana degaanadaasi ka mid ah Xalaneey, Hulcaduur, Howdleey, iyo Dalxiis sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Agaasimaha Isbitaalka Degmada Ceeldheer ayaa sheegay in Isbitaalka  ay ka jirto dawo la’aan,islamarkaana aysan haysan waxyaabo ay ku daweeyaan dadka la geeyay isbitaalka.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sababtay cuduro badan oo uu  ka mid yahay cudurka Shuban-biyoodka.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super