SHAACIYE 10-11

Kulan warbixin iyo soo dhoweyn ka dhacay magaalada Birmingham laguna soo dhoweynayey Madaxa  Ururka caawiye Foundation Trust ee soomaaliya.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 08/11/2009 ka dhacay magaalada Birmingham Kulan ay soo qabanqaabiyeen Ururka samafalka ee Caawiye Foundation Trust, kaasoo lagu soo dhoweynayey  wakiilka Ururka ee dalka Soomaaliya Mudane Kamaal Xasan Culusow. Waxaana kulakaasi ka soo qeyb galay Dhamaan Aqoonyahanka, Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, Culimaaudiinka, Haweenka iyo Dhalainyarada beesha Mudulood.

Waxaa ugu horey fadhigan qiimaha badan ka soo jeediyey muxaadaro diini ah Sheekh Cabdiraxman Macalin Cusman oo aad iyo aad ugu dheeraaday qiimaha ay diinta islaamka ku leedahay in ilaahay dartiis wax loola boxo isla markaana lagu taageero dadyow aad iyo aad u dhibaateysan xag waliba isagoo halkaasi ku xusay Aayado Quraan ah, Axaadiista Rasuulka (SCW) iyo waliba taariikhda Islaamka  iyo dhaqaalaha bixintiisa.

Waxaa kulankaasi daadihinaayey xiriiriyayaasha aqoontoodu ku dheertahay habka xiriirinta iyo qeybinta hadalka oo ay ugu horeeyaan Mudane Xasan Qaasin Goley oo uu caawinaayey Xoghayaha Ururka Caawiye Foundation Trust Mudane Xasan Cabdirisaaq Maxamud (Xasan Boolis) Waxaa kulankaasi looga dhegeystay warbixin dheer Madaxa Ururka Mudane Cabdullahi Cumar Caddow (Fooldheere) oo isagu ka warbixiyey sidii ay uga jawaabeen beelweynta Mudulood dhibaatadii ka dhacday Deegaanada Woqooyiga Muqdisho, Wuxuuna ugu dambeyn ku soo dhoweeyey Madaxa Ururka Samafalka Caawiye Foundation Trust Faraca Soomaaliya Mudane Kamaal oo taariikh ahaan ka hadlay meesha ay ka bilaabatay iyo meesha ay maanta mareyso, isaga oo aad iyo aad ugu dheeraaday soo gudbinta dhibaatadaasi heerka ay la eg tahay iyo sida loogu baahan yahay  in wax laga qabto, wuxuuna hambalyo iyo bogaadin ka soo gudbiyey dadyowgii la gaarsiiyey mucaawinooyinkii uu isku dubariday ururka caawiye, waxayna u mahadceliyeen dhamaan dadkii dhaqaalahaasi wax ka dhiibay ama abaabulay ama ka qeybqaatay soo gaarsiinta mucaawinooyinkaasi, waxaana ugu dambeyn dhamaan beesha ay go’aan ku gaareen in wax waliba oo dhibaatooyin ahi ee jira wax laga qabto iyada oo loo kala hormarinaayo hadba sida ay u kala daran yihiin.

Waxaa sidoo kale khadka telefoonka uga qeyb qaatay Jaaliyada Beesha Mudulood ee magaalada London oo ay Horkacaysay Marwo Jawaahir Baarqab oo iyaduna aad iyo aad ugu dheeraatay muhiimada ay leedahay wada jirka iyo iney dadka walaalaha ahi iska iloobaan wax waliba oo xumaan u keeni kara waxayna u rajeysay Ururka caawiye Foundation Trust inuu ku guuleysto howlaha horyaala waxayna ilaahay uga bariday inuu ilaahay u fududeeyo Mas’uuliyada aadka iyo aadka u xajmiga weyn.

Waxaa isna kulankaasi ka soo jeediyey warbixin dheer oo uu ku tilmaamey muhiimada dhaqaaluhu u leeyahay dadka iyo noloshiisa ayna muhiim tahay in dhaqaale loo helo shaqo kasta oo la rabo in qabto, Dr Maxamed Xasan Garabey.

Waxaa iyana goobtaasi kulanka ka hadlay Dr Cisman Xaaji Jimcaale, Ing. Ciise Maxamud Samow, Prof. Cabduqadir Ruumi, iyo Dr Cali Maxamud Xusen (Cali Atom) oo iyagu si xamaasadi ku jirto ugu nuuxnuuxsaday iney dhibaatadaasi laga bixi Karin ilaa iyo loo midoobo isla markaana si gaar ahi loogu tala galo in wax laga qabto dhibaatooyinka hadeer taagan oo ay ka mid yihiin ka qeybqaadashada wado loo sameeyo Isbitaalka Keydsaney, iyo 3 – 5 school oo iyagu aanan laga faa’iideysan macalimiin la’aan taasoo ay dhamaan beesha oo dhami ogolaatay.

Waxaa iyana xusid mudan in ay Haweenka beesha Mudulood ee magaalada Birmingham ka soo jeediyeen Hadalo aad iyo aad u qiiro badan oo dhamaantood gunta u dhigayeen wada jirka iyo kulanka beesha oo ay ka mideysan tahay in dadka dhibaateysan wax loo qabto loona baahan yahay in la joogteeyo kulanadan barakeysan oo loogu samafalaayo dadyowga ay dhibaatooyinka ka soo gaartay Dagaalada, Cudurada, Gaajada iyo waliba Jahliga.

Waxaa ugu dambeyn Kulankaasi lagu gudoonsiiyey abaalmarino shaqo wanaaga abaabulayaasha iyo iskudubaridayaasha mucaawinooyinka waxaana beesha Mudulood u garatay abaalmarinta heerka koowaad Madaxa Ururka caawiye Foundation Trust Mudane Cabdulahi Cumar Cadow (Fooldheere), Abaalmarinta kaalinta Labaad waxaa isaguna lagu abaalmariye madaxa Ururka faraca Soomaaliya Mudane Kamaal Xasan Culusow, waxaana gudoonsiiyay Nabadoon: Cali Maxamed Xusen (Cali Baabeyn)Waxaa sidoo kale kaalinta sadexaad ku wada guuleysatey oo lagu abaalmariyey Madaxda iskudubaridka mucaawinooyinka jaaliyada Beesha Mudulood ee magaalada London Marwo Jawaahir Baarqab Maxamud iyo Marwo Kutubey Cali Maxamud.

Waxaana ugu dambeytii uu ku dhamaaday kulankaasi is afgarad iyo in ay dhamaan ka soo qeybgalayaashii ay garwaaqsadeen iney dhibaato jirto loona baahan yahay in wax laga qabto ama ugu yaraan loo damqado dadyowga ay dhibaatooyinka ka soo gaarayaan dagaalada ka aloosan dhamaan Soomaaliya gaar ahaan Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Wixii faahfaahin dheeraad ahi fadlan kala soo xiriir Madaxa Iskudubaridka Mucaawinooyinka Jaaliyada Mudulood ee Magaalada Birmingham UK:

caawiyeft@hotmail.com

Help Line. +44 – 07956229091

 

Kala Xiriir Xafiiska Shaaciye ee  Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com,    webmaster@shaaciye.comtt i Norge samt sende 50 SMS. Skulle du overstige vår øvre grense på 500 ringemttter, vil pris


Why Muslim Singles at Muslim4Muslim.com?gest Arabic marriage and dating sites on the internet today. In fact, Muslim4Muslim has one of the most extensive list of Arab Muslim members of Lebanese, Egyptian, Saudi, Emirati, Jordanian, Moroccan, Algerian, Iraqi and Syrian origin. Whether you are Arab American or of Arabic background living in Europe or Canada, you are sure to find an Arab match for marriage or maybe just an interactive one on one chat. We advertise extensively on many of the Arabic wesbites on the internet, thus ensuring that we have a constant influx of new Arab members registering every single day. Become one of the thousands of Arabs who have connected through our Arabic personals. After you meet your marriage partner, be sure to tell your friends about Muslim4Muslim.com.